Dowladda Farasiiska  oo Malaayiin Dollar ka Cafisay  Soomaaliya

Dowladda Faransiiska ayaa Soomaaliya  ka cafisay Lacag Dayn ah oo dhan saddex boqol iyo lix milyan ($306-Million) oo dollar.

Wasiirka Wasaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyleh ayaa ha hadlay talabadaan ay dowladda faransiisku ku cafisay Laacgta daynta ah e ay Soomaaliya ku leheed, waxaana uu sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed, waxaana intaas uu ku daray in  wasaaradda Maaliaydda ay xil gaar ah iska saartay sidii Soomaaliya looga cafin laha daymaah lagu leeyahay.

“Waxaa maanta inoo suuragashay in aan si wada jir ah u saxiixno heshiis Deyn_Cafin ah, aniga iyo Safiirka Dowladda France ee Kenya iyo Soomaaliya Aline Ménager, Dowladda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in si rasmi ah looga cafiyay lacag dhan SADEX BOQOL & LIX MILYAN ($306-Million), Heshiis kaan ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee ay gaareen March 2020, Guushaan taariikhiga ah ee aan maanta gaarnay waxa ay marqaati u tahay dadaalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, waana ay naga go’antahay in aan sii wadno Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale bayle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media