• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, July 19, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Dowladda Burundi oo sheegtay in Ciiddankooda qeybta ka ah AMISOM aan Somalia laga soo daad-gureyn doonin

Bilan Media by Bilan Media
February 17, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xilli uu qorshuhu ahaa in 1,000 ka tirsan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM bishan Feberaayo 28-da dib ugu laabtaan dalkooda ayaa waxay Dowladda Burundi mar kale gaashaanka ku dhufatay qorshahaasi.

Sida laga soo xigtay Danjiraha Burundi u jooga dalka Ethiopia, Ambassador Diyudonne Nadabarushimana waxa uu tilmaamay inay ka soo horjeedaan Daad-gureynta Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dalka Burundi waxa bishan 14-dii loo doortay xubin ka tirsan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika (The African Union Peace and Security Council), xilli uu Shirkii 32-aad ee Madaxda dalalka Afrika ku yeesheen Xarunta Dhexe ee AU-da ee magaalladda Addis Abeba.

Dalka Burundi waxaa la rajeynayaa inay xubin ka sii ahaadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da saddexdii sanno ee soo socota.

Tallaabadaasi ayaa waxaa la ruemysan yahay inay siinayso sabab macquul ah oo ay 1,000 Askari kala soo bixi doonto ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dowladda Burundi waxay ilaa bilowgii bishan u ololeynaysay in Isbedel lagu sameeyo qorshaha daad-gureynta 1,000 ka tirsan Ciiddankooda jooga Somalia, waxayna Wasiirkooda Arrimaha Dibedda, Esejeyl Nigibigira u direen dalka Masar si uu ula kulmo Madaxweynaha dalkaasi, C/Fataax Al-siisii, ka hor inta uusan Xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika kala wareegin Madaxweynaha dalka Ruwanda, Bawl Kigambe.

Dowladda Burundi waxay Kiiskaasi awgiisa mar kale codsadeen in Ciiddanka AMISOM ee laga soo saari doono Somalia tiro isla eg ay u qeybsadaan shanta dal oo ay Ciiddankooda ka tirsan yihiin Hawlgalka AMISOM, sidii dhacday Wejigii 1-aad ee 1,040 Askari looga soo saaray Somalia bishii December ee sannadkii 2017-kii.

Sidoo kale, Dowladda Burundi ayaa u muuqata inay weli ku dhegan tahay go’aanka ay kaga soo horjeedo in 1,000 ka tirsan Askartooda laga soo saaro Somalia oo ay ka joogaan 5,432 Askari.

Bishii December ee sannadkii horem Afhayeenka Ciiddanka Burundi, Biyereke Foloribert waxa uu tilmaamay in Go’aanka Ciiddanka Burundi lagu daad-gureynayo aysan weli ansixinin Guddiga Wada-xiriirinta Hawlgalladda AMISOM ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxaa la sheegay inay yihiin isha uu dalkooda ka helo lacagta Adag, iyadoo dhinaca kale, Dowladda Burundi afartii bilood mar ay ka hesho Ururka Midowga Afrika lacag dhan 18 million oo Dollar .

 

Xigasho: The East African

Previous Post

Khilaaf hoose oo u dhexeeya Madaxweyneyaasha Somalia iyo Kenya oo soo shaac baxay

Next Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 17-02-2019

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
Warar

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

July 19, 2025
Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
Warar

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

July 19, 2025
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose
Warar

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

July 19, 2025
Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Next Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 17-02-2019

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

by Liban
July 19, 2025
0

Muqdisho - In a diplomatic move signaling deeper regional ties, Somalia’s Prime Minister Hamsa Abdi Barre welcomed Ambassador Abdalla Al-Otaibi, the Arab League’s...

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Magaalada Laascaanood ayaa maanta si rasmi ah martigelineysa wejiga xiga ee Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la shaaciyay magacyada 301...

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Raascaseyr ayaa xaqiijinaya in markab siday shixnad hub oo culus lagu qabtay xeebaha Puntland, gaar...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si guul leh u fuliyay howlgal qorsheysan oo...

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation
English News

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
Warar

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
Warar

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose
Warar

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Intercepts Turkish-Marked Arms Ship off Bari Coast, Raising Alarms Over Somalia’s Military Coordination
English News

Puntland Intercepts Turkish-Marked Arms Ship off Bari Coast, Raising Alarms Over Somalia’s Military Coordination

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Fresh Push for SSC-Khaatumo Administration as Delegates Gather in Lasanod Amid Political Tensions with Puntland
English News

Fresh Push for SSC-Khaatumo Administration as Delegates Gather in Lasanod Amid Political Tensions with Puntland

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation
  • Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
  • Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
  • Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00