Dowladda Burundi oo ku baaqday Kulan Deg Deg ah oo dib loogu eegayo Ka-bixitaanka Ciiddankooda…

Madaxweynaha dalkaasi, Biyeere Nakurunziza ayaa ugu baaqay Ururka Midowga Afrika Kulan Degdeg ah oo ay isugu yimaadaan Madaxda dalalka ay Ciiddankooda qeybta ka yihiin Hawlgalka AMISOM, si dib loogu eego Go’aankii Ciiddankooda looga daad-gureynayo Somalia dabayaaqada bishan.

Madaxweyne Biyeere Nakurunziza waxa uu hadalkaasi ku dhawaaqay, kadib, markii ay isaga iyo dhigiisa Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo maanta Shir Albaabadda u xirnaa ku yeesheen  Aqalka Dowladda ee ku yaalla caasimadda dalkaasi eeBujumbuura.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu booqasho 2 maalin ah ku tegay dalkaasi, iyadoo ay wehliyaan Wafdi ay ka mid yihiin Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciiddanka Qaranka Somalia iyo xubno kale.

Madaxweynaha dalka Burundi waxa uu tilmaamay inuu jiro Go’aan ay Golaha Nabadda iyo Amamanka ee Midowga Afrika qaateen, balse aysan Dowladda Burundi soo dhaweynin.

“Waxaan og nahay inaysan Somalia ku farxin arrintaasi, waana taasi sababta aan ugu baaqayno Shirka Degdeg ah, si dib loogu garwaaqsado go’aankaasi” ayuu yiri Madaxwweyneaha Burundi mar uu hadal kooban siinayey Suxufiyiinta.

Bishii December ee sannadkii hore, Qeybta Taageerida Hawlgalladda ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika waxay sheegeen in  1,000 ka tirsan Ciiddanka dalka Burundi ay bisha Feberaayo 28-da dib ugu laaban doonaan dalkooda hooyo, iyadoo tallaabadaasi qeyb ka tahay Daad-gureynta qorsheysan ee Ciiddanka AMISOM, oo ay Golaha Ammaanka ee QM go’aamiyeen sannadkii 2017-kii.

Dowladda Burundi ayaa ku gacan-sayrtay in 1,000 ka tirsan Ciiddankooda laga so osaaro gudaha Somalia, waxayna ku baaqeen in daad-gureyntaasi si siman loogu qeybiyo dalalka ay Ciiddankooda qeybta ka yahay Hawlgalka AMISOM

DFS ayaa la sheegay inaysan xitaa ku faraxsanayn qorshaha lagu dhimayo tirade Ciiddanka AMISOM, iyago osheegay inaysan Ciiddanka Somalia weli diyaar u ahayn inay qaataan mas’uuliyadda Ammaanka dalka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ammaanay qeybta ay Burundi ka qaateen Soo-celinta Nabadad ee Somalia, isagoo sheegay inay Ciiddanka Burundi, kuwa Uganda iyo Ciiddanka DFS iska kaashadeen in Alshabaab laga saaro caasimadda Muqdisho.

Dowladda Burundi oo bishan 14-dii xubin ka noqotay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waxay sheegtay inay Ciiddankooda ka sii nagaan doonaan Hawlgalka AMISOM saddexda sanno ee ay Dowladada Burundi xubinta ka yihiin Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxaa lagu tilmaamaa inay Lacag Adag geliyaan dalkooda, iyadoo Dowladda Burundi afartii bilood mar ka helaan Midowga Afrika lacag dhan 18 million oo Dollaar oo ah Kharajka Guud ee Ciiddankooda qeybta ka ah AMISOM.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media