Sarkaal ka tirsan Dowladda Burundi oo aan magacisia la shaacinin ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP, wuxuuna dhaliilay qorshaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ku gaareen in 1,000 Askari laga dhimo Ciiddanka Burundi ka jooga Somalia.
Sarkaalka waxa uu tilmaamay inay og yihiin inuu Go’aankaasi ka yimid EU-da si ay u waxyeeleeyaan Burundi, wuxuuna nasiib-xumo ku tilmaamay in Midwoag Afrika lagu khasbay inay oggolaadaan Go’aankaasi, isla markaana ay La-hayste u yihiin Midowga Europe oo dhaqaalo ballaaran ku bixiya Hawlgalka AMISOM.
Dhimista Ciiddanka Burundi waxay horseedi karta inuu lumiyo dakhliga maaliyadda guud ee dalka Burundi.
Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inay saddexdii bilood mar ku shubaan Bangiga dhexe ee Burundi lacag dhan 18 million oo Dollar, si loogu bixiyo Mushaaraadka ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM iyo in loogu soo kireeyo qalab Milliteri.
Kharajkaasi ayaana noqday isha ugu weyn ee Lacagaha Qalaad ee dalka Burundi oo halgan kula jira cunaqabataynta ay Ururka EU-da iyo dalalka xubnaha ka ah ku soo rogeen sannadkii2016-kii.
Si katsaba ha ahaatee, Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika “AUâ€-da ayaa sheegay in sababaha loo dhimayo tirada Ciiddankaasi ka jooga Somalia inay tahay iyadoo ay Ciiddankaasi dhibaato ka haysato dhanka qalabka Milliteriga, waana taaasi waxa loo go’aamiyey in Kun ka tirsan Ciiddanka Brundi dib loogu celiyo dalkooda hooyo.