Dowladda Britain oo teegeero Cusub siineysa Howlgalka AMISOM

Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay Dib-u-dhis ku samayn doonaan Saldhigyadda  hore ee Hawlgalladda, si loo xaqiijiyo Ammaanka iyo Bad-qabka Ciiddanka AMISOM.

Kulan looga hadlayey Dib-u-casriyeynta  iyo sida lagu taageeri karo Ciiddanka AMISOM ee hawlgalladda ka wada goobahaasi iyo Qiimaha Loojistikadda ayey yeesheen Saraakiisha Taliska AMISOM.

Madaxa AMISOM ugu qaabilsan Taageeradda Hawlgalladda, Jeneral FIDZA DULUDULU o oka hadlay Kulankaasi oo socon doona muddo 2 maalmood ayaa tilmaamay  in Cabsida taagan dhamaan doonto, isla markaana ay doonayaan in Badbaadin Wanaagsan helaan Ciiddanka AMISOM ee ku sugan Jiidda Hore ee Dagaalka.

Jeneralka waxa kale oo uu sheegay in Dib-u-dhiskaasi qeyb ka tahay Qorshaha Xilliga Kala-guurka ee Somalia, iyado ola filayo in 1,000 ka mid ah Askarta AMISOM la dhimi doono sannadkan.

Dhinaca kale, Khubaro ka socota Milliteriga Britain ee ku sugan Muqdisho ayaa la sheegay inay kaalin taageero ka geysan doonaan Dib-u-dhiska Saldhigyadda AMISOM ee ku yaalla Goballadda ay ka hawl-galaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor