Dowladda Britain oo sheegtay in wadahadalka DFS iyo SL ku xiran tahay Ictiraafka Somaliland

Wargeyska Financial Times (FT) ee ka soo baxa London waxa uu bilowgii isbuucan Warbixin dheer ka qoray dadaalka Ictiraaf-raadiska Somaliland iyo Aragtida Dowladda Britain ee Yoolka lagu gaari karo Ictiraafkaasi.

Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee UK oo la hadashay Wargeyska FT waxay sheegtay inay Dowladda Britain rumeysan tahay inay u taallo DFS iyo Soomaaliland si ay u gaaraan Mustaqbal Wadajir ah iyo inay dalalka Gobalka iyo Jilayaasha dalalkaasi kaalin hoggaamin ka qaataan Natiijada Heshiiska ee DFS iyo SL.

Dhinaca kale, Khabiir Axmer Sulaymaan oo ka tirsan Aqalka Chantam House ee London oo la hadlay Wargeyska FT ayaa sheegay inay dowladaha Reer Galbeedka ku mideysan yihiin Farriintaasi.

Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Dalalka Gobalka uma muuqdaan inay qaadi doonaan tallaabada u dambaysa ee Ictiraafka SL ilaa uu wada-xaajoodka DFS iyo SL ka gaaraan heshiis Mustaqbal Wadajir ah.

Si kastaba ha ahaatee, Wada-xaajoodkii u socday DFS iyo Soomaaliland  waxa  hakad galay kulan la filayey inay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi yeeshaan bilowgii sannadkan, kadib markii uu Madaxweynaha DFS gaashaanka ku dhuftay Maalgashiga Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ee Dekedda magaalladda Berbera

Xigasho: Wargeyska FT

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor