Dowladda Britain oo difaacay go’aankii ay kaga digtay in socdaal lagu tago Kenya

Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey sababihii ay u kordhiyeen digniinta ku aadan in aan socdaal lagu tegin Kenya, oo ay ka dhaceen weeraro wax u dhimay ammaanka.

“Waa Waajib na saarean sidii aan u badbaadin lahayn Muwaadiniinta Britishka meel kasta oo ay joogaan” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibeda ee dalka Britain.

Qoraalka waxaa lagu xusay inay heleen warar dhinaca Sirdoonka, taasi oo keentay inay dadka Britishka inay Beesha Caalamka  uga digeen khatarta laga filan karo Kenya.

Hadalkan ayaa soo baxay, kadib, markii ay haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Amino Mohamed ku difaacday Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo sheegay inay ku xun yihiin sababaha ay Britain uga digeen safarradda lagu tago Kenya.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor