Dowladda Britain oo balan qaad u sameysay dowladda Soomaaliya

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Devid Concar.

Kulan muddo saacado ah qaatay ayaa dhexmaray Kusimaha Raiisul Wasaarah dalka iyo Safiirka Dowladda Ingiriisa ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskashiga labada Dal SOomaaliya iyto Britain.

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahnaR/wasaare  kuxigeen Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar)ayaa sheegay in Ingiriisku Soomaaliya ka caawin doono dhinacyadada Dhaqaalaha, Amaanka iyo dimuqraadiyada.

”Waxaan maanta Xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska Uqaabilsan Soomaaliya Ambassador David Concar, waxaana ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal. Dawladda Ingriiskuna waxay balan qaadeen in ay Soomaaliya Ka caawin doonto dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka iyo Dimuqraadiyadda-ba.” ayuu yidhi R/W xigeen Dalka.

Dowladda Britain ayaa kamid ah Dowladaha taageera Soomaaliya,waxaan Britain ay kaalin ku leedahay taageerada Ciidamada Qalabka Siad ee Soomaaliya iyo guud ahaan hay’adaha kaladuwan ee Dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media