Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Magacaabay Guddi warbixin ka keena Balad Xaawo

Magacaabista guddigaan ayaa timid kadib markii kulan Magalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada madaxweyne ayaa waxa ay isla garteen  in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in waxa loogu yeero argagixisada ay isaga gudbaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo u kuur gala xaaladda degmada Balad Xaawo, isla markaasna soo diyaariya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta xuduudda u dhaxeysa labada dal.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay taageero joogta ah siineyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxa uuna intaas ku daray in dowladdiisu ay aaminsan tahay in midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli ay horay u jirtay xiisad ka dhalatay Kenya oo dioneysay in ay darbi ka dhisto qeyb ka mid ah Magaalada Balad xaawo balse Shacabka Magaaladaas ay ka hor tageen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor