Dowladaha Somalia iyo Kenya oo heshiis kala saxiixday

Madaxweynaha dalka Kenya iyo Ra’isul-wasaaraha Somalia waxay shalay kulan khaas ah ku yeesheen Aqalka dowladda ee magaalladda Nairobi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, Ammaanka, Horumarinta, Deganaanshaha iyo Dagaalka Alshabaab.

Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uga mahad celiyey doorka Kenya ee isbedelladda haatan ka socda Somalia, wuxuuna Madaxweyne Uhuru u gudbiyey Dhambaal Tacsi oo uu Madaxweynaha DFS u soo diray, oo ku adaan weerarkii Hotelkii Dusit D 2 ee magaalladda Nairobi.

Ra’isul-wasaare waxa uu Uhuru Kenyatta u muujiyey inay Somalia la garab taagan tahay Kenya dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo colaadaha xag-jirka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Ra’isul-wasaare Kheyre waxa uu sheegay in guul laga gaaray Hawlgalka AMISOM ee sugidda Ammaanka Somalia, dhismaha xoojinta Hay’addaha ammaanka, Deganaanshaha Bulshadda iyo sidii loo samayn lahaa Lacagta cusub ee Somalia.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre waxa u usheegay inay haatan Somalia ka shaqeystaan 50-kun oo shaqaale Kenyan ah, kuwaasi oo ka hawlgala qeybaha kala duwan ee Dhaqaalaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor