Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismail Omar Gelle iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Samiix Shukri ayaa kulan ku yeeshay magaalladda Jabuuti.
Wasiir Samiix Shukri waxa uu u gudbiyey Madaxweynaha Jabuuti Dhambaal qoraal ah oo uu u soo diray dhigiisa dalka Masar, Abdifatah Alsisi, kuna aadanaa horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyadda Siyaasadda, Ganacsiga iyo Ammaanka,
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Masar, Badar Abdel Ati ayaa faahfaahin ka bixiyey Kulanka Madaxweynaha Jabuuti uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar,wuxuuna xusay inay ka wada hadleen waxyaabihii ugu dambeeyey ee Dagaalka Yemen iyo sugidda ammaanka Marin-biyoodka Bab Almandab iyo Badda Cas.
Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Masar waxay si gaar uga xaajoodeen xaalladda Siyaasadda iyo Ammaanka ee dalka Somalia, La-dagaalanka Xag-jirnimadda, kooxaha loogu yeero Argagixisadda iyo Burcad-baddeeda.
Madaxweyne Geelle iyo Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Masar, Samiix Shukri waxay kaloo sheegeen inay muhiim tahay in la sii wado taageeradda la siinayo Dowladda Federalka Somalia, si aysan Talada Somalia ula wareegin kooxo ay ugu yeereen Argagixiso, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Sidoo kale, waxay ku baaqeen in Jaamacadda Al-azhar Alshariif lala kaashado sidii looga hortegi lahaa Fikradaha Xag-jirnimadda ee ka jira dalka Somalia.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe (MENA) ayaa sheegtay in uu Madaxweynaha dalka Masar ku casuumay Madaxweynaha Jabuuti inuu ka soo qeyb galo Shirweyne bisha soo socota ee June 10-da lagu qaban doono magaalladda Sharmaa-sheekh, oo lagu asaasayo Ganacsiga Xorta ee Labada Waddan.
Xigasho: AAWSAT