Dowladaha Caalamka oo si kulul u cambaareeyey qarixii ka dhacay Muqdisho

Hoggaamiyayaasha Caalamka, gaar ahaan dalalka Turkiga, Maraykanka, UK, Canada iyo Farance waxay si xooggan u wada cambaareeyeen qraxii bishan 14-dii ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho, oo ay ugu yaraan 276 qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen in ka badan 300-kale.

Qaraxaasi ayaa ah kii ugu khasaaraha badan ee ka dhaca Taariikhda Somalia.

Haddaba, Cambaaraynta Caalamka ee ku aadan Qaraxaasi, ayaan ka diyaarinay Warbixintan:

Turkiga:

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda, Mevlüt Çavuşoğlu‏ waxay si wadajir ah u cambaareeyeen Qaraxaasi.

Ibraahim Kaalin oo ah Afhayeenka Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu amar ku bixiyey in Diyaarado iyo Qalab Caafimaad loo diro Somalia iyo in dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho loo soo qaado Turkiga, si loogu daaweeyo.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu‏, waxa uu Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsideeyey Qaraxaasi, wuxuuna sheegay inay Dowladda Turkiga si hagar la’aan ah ula garab taagan yihiin Dadka Soomaaliyeed sidii loo caawin lahaa dadka dhaawaca iyo sidii looga hortegi lahaa weeraradda noocaasi ah.

Wasiirka Caafimaadka ee Turkiga, Axmed  Demirkaan oo ay la socdaan Koox Dhakhaatiir ah ayaa saakayto ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Wafdigaasi oo si heer sare loogu soo dhaweeyey Garoonka ayaa la filayaa inay la kulmaan Madaxad Qaranka, oo uu Madaxweyne Farmaajo ugu horreeyo.

Ilaa 50 Bukaano ku dhaawacmay Qaraxaasi ayaa maanta loo qaadi doonaan Turkiga si loogu soo daaweeyo.

Faransiiska:

Madaxweynaha dalkaasi, Emmanuel Macron waxa uu sheegay inay si xooggan u cambaaraynayaan Qarixii bishan October 14-dii ka dhacay Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay inay Faransiisku garab taagan yihiin dadka Soomaalida, iyo Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Britain:

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Boris Johnson ayaa sheegay inay Dowladiisa si kulul u cambaaraynayaan Weeraradii bahalnimadda ee ka dhacay Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigay.

Canada

Ra’isul-wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa sheegay inuu si kulul u cambaaraynayo Qaraxaasi oo ay ku geriyoodeen ugu yaraan 276 qof, halka 300 kalena ku dhaawacmeen.

Qoraal uu Ra’isul-wasaaraha Canada soo dhigay Bartiis Twitter-ka waxa uu ku sheegay inay Tiiraanyada la qeybsanayaan Jaalliyadda Soomaalida ku nool Canada.

Maraykanka:

Hadal qoraal oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka waxaa lagu sheegay inay si kulul u cambaaraynayaan qarixii dhawaan ka dhacay Muqdisho.

“Maraykanka waxay sii wadi doonaan inay is-garab taagaan dadaalka ay DFS iyo dadkeeda iyo Isbahaysiga Caalamiga  ugu jiraan Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Qaramada Midoobay:

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu isagana cambaareeyey qaraxaasi.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa ayuu ku sheegay inuu Tacsi u dirayo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo sidii looga hortegi lahaa weeraradaas oo kale.

Midowga Afrika:

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat waxa uu ku baaqay in la muujiyo Midnimo xilligan adag ee lagu jiro, lagana gudbo kala-qeybsanaanta, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu sheegay in dib loo dhiso midnimadda dhamaan heerarka kala duwan ee dhamaan Hay’addaha Federaalka.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat waxa uu sheegay inay Ciiddanka AMISOM sii wadi doonaan taageeradda dadaalka ay DFS iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan sidii Nabad iyo Ammaan loogu soo dabaali lahaa Somalia.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media