Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS), Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo uu wehliyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho.
Munaasabadda xuska ee lagu qabtay xarunta safaaradda ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, diblomaasiyiin, iyo wakiillo ka socday bulshada caalamka. Xuskan ayaa ah mid muhiim ah oo lagu maamuusayo aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga, taas oo ku beegan 29-ka Oktoobar 1923, markii Mustafa Kemal Atatürk uu dhisay jamhuuriyadda cusub ka dib burburkii boqortooyadii Cusmaaniyiinta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka ayaa intii ay joogeen munaasabadda, uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan kaalintooda muuqata ee dhinacyada horumarinta, dib u dhiska iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa sidoo kale xustay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo carabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshooyinka.
Munaasabadda xuska ayaa lagu soo bandhigay heeso iyo suugaan dhaqameed oo ka tarjumaysa xasilloonida iyo midnimada Turkiga, iyadoo sidoo kale lagu muujiyay xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo ixtiraam wadaag. Xuska Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga ayaa ahaa mid xambaarsan fariin ku aaddan sii socoshada iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.