Dowladda Federaalka soomaaliya ayaa Shacabka Magalada muqdisho waxa ay u diyaarisay Bassas Waaweyn oo loogu talo galay in ay raacaan Saacadaha ay xiran yihiin Wadooyinka inta lagu guda jiro dabaaldega 1-da luulyo.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ayaa Shacabka Muqdisho ku wargeliyey in Maanta oo Axad ah la wargeliyey in dadka ay Xaafadahooda iyo goobahooda Shaqada ku tegi doonaan bassaskaas.
“Shacabka gobolka banaadir maanta waxay u dabaaldagayaan xuska maalinta 1da Lulyo fagaaraha Stadium Koonis waxaa kala hadli doono shacabka Madaxweynaha Jamhuuriyadda sidaas daraadeed waxaan shacabka ugu talagalnay si isku socodka wadooyinku aysan cariiri u noqon Basas waa weyn oo mari doono wadooyinka halbowlaha ah kuwaas oo si free ah ku qaadaya qofka shacabka.
Goobaha Basaska lag heli doono si ay Bulsahda u raacaan ayaa waxaa ka mid ah
1.Ex Controll Afgooye ilaa iyo Isgoyska Sayidka.
- Daljirka daahsoon ilaa iyo garoonka koonis.
- Isgoyska Tarabuunka ilaa iyo isgoyska Sanca.
Waa markii ugu horreysay mudo Toban Sano ah in Dowlada Soomaaliya ay Shacabka u diyaariso Basas ay raacaana inta ay Wadooyinka xiran yihiin,waxan horay u jirtay cabasho ka imaaneysay Shacabka Magalada Muqdisho.