Dowlad taageerta Somalia oo Safaarad Cusub ka dhisaneysa Muqdisho

Dowladda Qatar oo  kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Safaarad Cusub ka dhisaneeyso Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu bartiisa Twitter-ka uu kusoo bandhigay Sawiradda Naqshadda ee Safaaradda Cusub ee Qatar ay ka dhisan doonto Muqdisho.

Sidoo kale Dowladda Qatar ayaa xustay in Safaaradda ay ka dhisaneyso Muqdisho ay noqon doonto Safaaradda ugu baaxadda weyn dhismayaasha Safaaradaha ku yaalla Soomaaliya.

Qatar ayaa sanadkii tegay ee 2019 ballaarisay Maalgelinta Mashaariicda Horumarineed ay ka fulineyso gudaha dalka Soomaaliya, waxaana sidaas qortay Shabakadda Wararka ee Middle East Monitor (MEMO) ee uu fadhigeedu ku yaallo Magaaladda London.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku aadan dhinacyo kala duwan, waxaana Hay’adda Maalgelinta Qatar ee dhanka Horumarinta ay sheegtay in Mashaariicda ay ka hirgelinayaan Soomaaliya qeyb ka tahay dadaallada socda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media