Dowlad shaacisay in aysan aqoonsan doonin Israa’iil

Dowladda dalka Pakistan ayaa ku dhawaaqday in aysan dowlad ahaan u  aqoonsan doonin Israa’iil tan iyo inta laga helaayo dowlad ay leeyihiin dadka reer falastiin, taas oo shuruud looga dhigay in ay ku qanacsan yihiin shacabka falastiiniyiinta.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Imran Khan ayaa hadalkan sheegay, waxaana uu si qoto dheer ugu nuux-nuuxsaday  in aysan aqabli doono waxyaabaah ay wadaan maamulka Yahuudda ee ah in ay dowlad ka dhistaan dhulka reer Falastiin.

Waxaa sidoo kale Imran Khan uu sheegay in loo baahan yahay inshacabka Falastiin ay helaan dowlad ay iyagu leeyihiin oo ay ku qanacsan yihiin.

Hadalka kasoo yeeray Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan ayaa imaaanaya iyadoo Imaaradka iyo Isra’iil ay yeesheen xiriir Diboloomaasiyadeed oo labada dal ay sida wada jir ah ugu dhawaaqeen, waxaana arrintaasi ay keentay in waddamo badani ay ka hadlaan tallaabada ay ku dhaqaaqday Imaaraadka, waxaana gar wadeen iyo dillaal ka ahaaa wada hadalkaas dalka Maraykanka .

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media