Dowlad qorsheyneysa inay Muwaadiniinteeda kala soo baxdo G/Tigree-ga

Dowladda Suudaan ayaa qorsheeyneysa inay muwaadiniinteeda   kala soo baxdo dalka Itoobiya, gaar ahaan gobalka Tigreega ee ay ka socdaan dagaalada sokeeye ee dhowaan ka bilowday dalkaasi.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan la socoto xaaladda muwaadiniinta ku sugan gobalka Tigreega, inkasta oo gobalka laga jaray isgaarsiinta.

Bayaanka ayaa muwaadiniinta ugu baaqay inay is dejiyaan inta safaarada Suudaan ee dalkaas dhamaystireyso qorshaha lagu soo qaadaayo.

4-tii November, waxaa gobalka Tigreega ee Itoobiya ka bilaawday dagaal u dhaxeeya Ciidmada Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega kaas oo sababay in dad fara badan ka qaxaan gobalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media