HomeCaalamkaDowlad ka tirsan Afrika oo markii ugu horreysay soo saareysa tallaalka COVID-19

Dowlad ka tirsan Afrika oo markii ugu horreysay soo saareysa tallaalka COVID-19

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa furey warshad cusub, oo soo sareysa wax soo saar tayo leh, taasoo noqon doonta tii ugu horeysay ee Afrika ku taalla, ee soo saarta tallaalka cudurka safmarka Covid19 oo buuxa. Xarunta warshadda Nant-SA ee ku taalla magaalada Cape Town ee dalkani, ayaa waxaa aasaasey maal qabeenka, isla markaana cilmiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa furey warshad cusub, oo soo sareysa wax soo saar tayo leh, taasoo noqon doonta tii ugu horeysay ee Afrika ku taalla, ee soo saarta tallaalka cudurka safmarka Covid19 oo buuxa.

Xarunta warshadda Nant-SA ee ku taalla magaalada Cape Town ee dalkani, ayaa waxaa aasaasey maal qabeenka, isla markaana cilmiga biology-ga ku takhasusey ee u dhashey dalka Koonfur Afrika, fadhigiisuna yahay dalka Mareykanka, Dr Patrick soon-Shiong.

- Advertisement -

Warshadda ayaa lagu wadaa iney soo saarto tallaalkeeda ugu horreeya sanad gudihiis, iyadoo hadafku yahay marka la gaaro 2025-ka, in sanadkiiba lasoo saaro hal bilyan oo xabo oo tallaal ah.

Koonfur Afrika, ayaa leh laba xarumood oo kale, kuwaasoo soo saara tallaalada qeybaha dhexe ah. Xafladdii furitaanka, ayaa Madaxweyne Ramaphosa waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujineyso in qaaradda Afrika ay u jiheysatey dhanka isku filnaanshaha.

“Afrika waa inaaney galin mar danbe safka u danbeeya ee helitaanka tallaalka inta lagu guda jiro cudurada aafooyinka ah, ma ahan inaan gacan hoorsanno, si aan u helno tallaal”, ayuu yiri Madaxweyne Ramaphosa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts