Dowlad Joojisay salaadaha Jamaacada ah ee lagu tukado Masaajidda

Dowladda Kuwait ayaa si ku-meel-gaar ah u joojisay in Salaadihii lagu tukan jiray Masaajida dalkaasi ku yaala, iyadoo tallaabadan lagu yareynayo faafitaanka Coronavirus.

Caabuqa Corona oo si xowli ah ugu fidaya dalalka caalamka, gaar ahaan Bariga Dhexe ayaa waxay dowladuhu isu dayayaan inay xakameeyaan amaba ay ka hortaggaan faafitaanka saf mareenka ah.

Madaxda Dowladda Kuwait ayaa Jimcihii sheegay in si ku-meel-gaar ah loo loo joojiyay in Jamaaco lagu tukado shanta Salaadood ee maalinlaha ah iyo Salaadda Jimcaha, ee lagu tukan jiray Masaajida dalkaasi ku yaal.

Midda dadka layaabka gelisay ayaa ah in sameecadaha Masaajida ku xiran dadka lagula wadaagayo inaanay Masaajida imaanin, oo ay guryahooda isaga tukadaan.

Masaajida oo dadka ugu yeeri jiray in ay khayrka u soo xaadiraan, ayna Masaajida ku soo tukadaan ayaa taasi bedelkeeda waxay iminka dadka ugu yeerayaan in ay guryahooda isaga tukadaan.

Tani ayaa waxay qayb ka tahay la dagaalanka Coronavirus iyo sidii looga hortaggi lahaa in uu dalkaasi ku baaho, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media