Dowlad Goboleedyada oo joojiyay wadashaqeyntii Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta DF

Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Technologiyada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta maamulada ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiirka Boostada DF Jaamac Xasan Khaliif uu lumiyey xiriirkii labada heer ee Wasaaraddaha, isla markaana uu kaligiisa qaaday tallaabooyin dhowr ah.

Wasiirada Boostada maamulada ayaa Wasiir Jaamac ku eedeeyay inuu dhowr jeer baajiyay shirar lagu balansanaa inay labada dhinac ay yeeshaan, si wadashaqeyn loo dhan yahay looga wada yeesho siyaasadaha Isgaarsiinta iyo Technologiyada dalka.

Sidoo kale Wasiirada ayaa Qoraalkooda ku xusay in Wasiirka uu si musuq-maasuq ah uu ku maamulayo mashruuca Digital Integration oo World Bank dhawaan bilaabeyso, isla markaana ay ku baxeyso lacag dhan ah 80 Milyan oo dollar.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Wasaaraddaha Boostada maamulada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor