Dowlad Degaanka oo markii ugu horreysay ka hadashay khasaaraha dagaaladii Al-shabaab

Mas’uuliyiinta Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaalka u dhexeeyeey Al-shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Liyuu Boolis, iyadoo maalmihii la soo dhaafay dagaal xooggan uu ka socday deegaanka Huluul ee hoostaga degmada Hargeelle.

War ay soo saartay Xukuumadda deegaanka ayaa lagu sheegay in la soo afjaray dagaalkii ka socday Hargeelle, isla markana khasarae xooggan la gaarsiyay Al-shabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Al-shabaab ay Arbacadii sheegatay in ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis ka dib weerar naadir ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya.

Dagalamayaasha Islaamiyiinta ah ayaa in ka badan boqol kiilo mitir gudaha Dowlad Deegaanka u soo galay iyagoo ka soo ka  tallaabay xadka ay Soomaaliya la wadaagaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor