Dowlad dalkeeda hal arrin awgeed uga mamnuucday Dadka ajaanibta

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa laga mamnuucay inay galaan dadka ajaaniibta ah marka laga reebo muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka heysta deganaanshaha joogtada ee wadankaasi.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay xakameynta fayraska Corona.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu amray in aysan geyn wadankaasi dadka lagu arko calaamadaha cudurka, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha.

Mr Trudeau wuxuu ka dhawaajiyay in go’aannada uu dalkiisa qaatay uu ku wargeliyay hogaamiyeyaasha dalalka G7 ee uu iskaashiga kala dhexeeyo.

“Xilli fayraska uu sii faafayo, waxaan go’aansannay in aan qaadno tallaabooyin si aan u ilaalinno badqabka qoysaska,” ayuu yiri Trudeau.

Ra’iisal wasaaraha wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in tallaabooyinka ay ka qeybqadaan karaan badbaadinta dad badan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media