Dowlad Carbeed oo xayirtay duullimaadyada ka yimaada 10 Dal

Sida aynu ka soo xiganay Wakaalladda Wararka Oman ee ONA waxay Guddiga Sare ee Ka-hortaga COVID 19 mamnuuceen dadka ka imaanaya 10 dal, cabsi dhanka Faafista COVID 19.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Cuman, ahna Madaxa Guddigaasi,  Sayid Xamuud Bin Farysal Al-busaydi ayaa shir-guddoomiyey Kulankaasi, waxaana la go’aamiyey in la mamnuucay dadka ka imaanayo 10-dal muddo 15 maalmood, oo ka bilaaban doonta Saqda Dhexe ee Habeenka Jimcaha ee soo socota.

Duulimaadyada dalalka laga mamnuucay dalka Cumaan ayaa kala ah: Ethiopia, Sudan, Lebanon, South Africa, Brazil, Nigeria, Guinea, Ghana, Sierra Leone iyo Tanzania.

Comments
Loading...