Dowlad Cafisay lacag ay ku laheyd Jaaliyadaha dalal ay ku jirto Somalia

Jaaliyadaha shan dal  ayaa dalka Sucuudiga  waxaa uu ka cafiyay lacagtii  looga qaadi jiray dal ku galka ama fisah dal ku jagalka  kadib markii ay bixiin waayen  iyadoo loo qabtay  muddo 90 cisho ah in ay uga baxaan dalka oo ka bilaabanaysa bisha February.

Shanta dowladdood ee jaaliyadoodan laga cafiyay daymaha ayaa waxaa ka mid ah Somaaliya,Itoobiya, Ereteriya ,Naajeeriya iyo Jaad iyadoo qunsuliyadaha guud ee wadamadaasi u fadhiyay magaalada jiddah ay si wada jir ah ay kulan ulaa qaateen  madaxa xarunta shimees ee maamulka ajaanibka usaama abu milxa iyo madaxa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka sacuudiga u qaabilsan xarunata shimess al sayid khaliil bin axmed iyo masuuliyiin  kale oo ka tirsan xaruntaasi ayaa islaa  gorfeeyeen intii uu socday

Sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto cafiska lacagaha  ee ay ku yaboohaday dowladda Sucuudiga.

Masuuliyiinta maamulka xarunta shimees ayaa sheegay in ay ahmiyada balaaran ugu jirto dhamaan jaaliyadaha dalalka laga cafiyay lacagta loona baahan yahay in loo fududeyo safarka dadka dib ugu labanaya  dalalkooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media