Doorashadii uu kusoo baxay C/llaahi Maxamed Shaacir oo Markale Lalaalay.

Guddiga doorashada heer federal ayaa markale  Laalay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo xarunta Kmg maamulka Jubbaland oo uu kusoo baxay Cabdulaahi Maxamed Aadan Shaacir sida uu  shaaciyey Guddiga doorasho heer gobol ee Jubbaland.

Shalay ayaa lasoo wariyey inuu ksoo baxay Doorasho ka dhacaday magaalada kismaayo Codad gaaraya  40-tan markii uu la tartamay Cabdiraxiin Ibraahin Xayle iyo Wasiirka Batroolka  Maxamed Muqtaar.

Guddiga doorashada aya sheegaya inay sharci daro ahayd Doorashadaasi oo lagu qabtay Kismaayo kuna soo baxay Cabdulaahi Maxamed Aadan Shaacir.

Guddiga aya soo saaray Warsaxaafadeed uqornaa Sidan:

Ku: Xubnaha Guddiyada gaarka ah ee u xil saaran qabashada kursiga Doqon Diide ee

Gaaljecel

Ujeddo: Go’aanka GFHDD ee Kursiga Juffada Doqon Diide ee Beesha Gaaljecel

Xubnaha GFHDD waxay isku raceen markii ay ka doodeen kursiga Doqon Diide si xal looga gaaro

tallaboyinka soo socda:

  1. In la raaco sida hannanka doorashada dadban qabo in juffada kursiga iskaleh ee Doqon diide

keliya ay ka timaado ergada iyo musharaxiintaba.

  1. In hannanka doorashada si cadaalad ah ugu dhacdo oo la waafajiyo xeerka codeynta iyo tirinta

coddadka ee ay GFHDD u dejiyeen dorashada dadban.

  1. In xubnaha GFHDD ay hubiyaan warqadaha codbixinta in aysan calamadaysanayn ka hor inta

aan la codayn iyo ka dib markii la codeeyo.

  1. In marqaati looga dhigo lana tuso warqadaha lagu codeynaayo korjoogayaasha, warbaahinta iyo

wakillada Qaramada Middoobay si doorashada ay u noqoto mid daahfuran oo cadaalad ku

dhacday.

Sidaas darteed xubnaha GFHDD wuxuu ka codsanayaa xubnaha Guddiga gaarka ah ee loo idmaday

qabashada kursigaas Doqon Diide ee Jubbaland in ay doorashadiisa soo gabagabeyaan ka hor doorashaa

Madaxwaynaha.

Guddigu waxuu aad uga mahadcelinayaa xubnaha labada Guddi ee maraynaya doorashada kursiga

Doqon Diide ee lagu qabanayo magalada Kismaayo. Guddiga wuxuu rumaysan yahay in xubnahaas ay

daadaal iyo juhdi badan geliyeen in si cadaalad ah u dhacdo doorashada kursigaas Doqon Diide lakiin ay

kala kulmeen dhibaatooyin iyo ismariwaa. Guddiga waxuu idiin rajaynayaa in aad ku gulaysataan

doorashada kursiga.

Dhamaad

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media