Doorashada Madaxweynaha oo Gelinka Danbe ee Maanta ka Bilaabaneysa AFisiyooni.

Waxaa maanta oo Arbaca ah magaalada Muqdisho ka dhacaya Doorashada madaxweynaha oo ay utaaganyihiin 22-tan musharax oo danaynaya qabashada xilka madaxweynaha waxaana gelinka danbe ee maanta lagu wadaa in doorashada ay ka bilaabato halka loogu talagalay oo ah xarunta Ciidamada Cirka Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Shacab, siyaasin iyo qofkastaa oo soomaali ah waxaa uu hadal hayaa qabsoomida doorashada oo ah tii labaad oo lagu qabto gudaha dalka waxaana ay muujiyaan Dadku niyad wanaag ku aadan doorashada islamarakaan ay ku faraxsanyihin codeenta doorasho ee maanta ka  dhaceysa muqdisho.

Waxaa Codkooda dhiibanaya 329 mudane oo ka koobaan labada gole ee baarlaamaanka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare oo dooran doona madaxweynaha hogaaminaya dowlada cusub Afarta sano ee Soosocota.

Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha ayaa sheegay inay bilaaban doonto codeenta doorashada waqtiga 2:00 dhurnimo oo ay doonayaan inay si hufan udhacdo doorashadaasi oo wal wal badan laga qabo masuq maasuq iyo wax isdabamarin timaada inta ay socoto Doorashada.

Waxaa tartami doona 22-tan musharax madaxweyen oo kala ah:-

1 Sheekh Shariif Sheikh Axmed

2 Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

3 C/qaadir Cosoble Cali

4 Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

5 C/raxmaan C/shakuur Warsame

6 Jibriil Ibraahim Cabdulle

7 Xasan Sheekh Maxamuud

8 Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

9 Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

10 C/naasir Maxamed Cabdulle

11 Cali Xaaji Warsame

12 Saciid C/laahi Dani

13 Maxamed Maxamuud Culusow

14 Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil.

15 Saciid Ciise Maxamuud

16 Bashiir Raage Shiiraar

17 C/laahi Ciilmooge Xersi

18 C/laahi Cali Gees.

19 Axmed Maxamed Cabdi.

20 Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi.

21 Maxamed cali Jabarti

22 Maxamed C/risaaq

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media