Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa markale soo saaray Jadwalka doorsahada Madaxweynaha,iyada oo waqtigii loogu talo galay ay dib uga dhacday.
Kulan ay Magalada Baydhabo ku yeesheen Guddiga doorashada Madaxweynaha KGS ayaa waxa ay soo saareen jadwal Cusub oo ah habraaca doorashada.
Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in 26 Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ay bilaabi doonto diiwaangelinta musharixiinta,isla markaana ay ku egtahay 27 Bishaan.
Sidoo kale 27 Bishaan ayaa Gudiga waxaa lasiin doonaa tababar ku saabsan doorashada,halka 1-da Bisha soo socota ee December ay guddiga yeelan doonaan kulan is-xog wareysi ah.
2-da ilaa 3-da December ayaa musharixiinta waxaa fursad loo siin doonaa in Xildhibaanada ay kahor-jeediyaan khudbahooda ku aadan waxyaabaha uu mid walba qbaan doono hadii la doorto.
Gababadii 5 Bisha December ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaaliya.
Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ah mid xasaasi ah,taa soo aad ka dareemeyso in uu jiro muran ku saabsan waqtiga rasmiga ah ay dhaceyso iyo qaabka loo wajahayo,waxaana wlei jirta in Dowladda Federaalka lagu eedeynayo inay faragelin ku heyso doorashada.