HomeWararDoorashada Madaxweynaha Galmudug oo Goordhow bilaabatay

Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Goordhow bilaabatay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa Goordhow waxaa si rasmi ah uga Bilaabatay Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo labdiisa ku-xigeen. Xarunta Shiirkole oo ah halka ay dhaceyso Doorashada Galmudug ayaa waxaa ku sugan inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Guddiga Doorashada, Muhsraxiinta iyo Marti sharaf kale oo lagu Casuumay. Haatan waxaa socota […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa Goordhow waxaa si rasmi ah uga Bilaabatay Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo labdiisa ku-xigeen.

Xarunta Shiirkole oo ah halka ay dhaceyso Doorashada Galmudug ayaa waxaa ku sugan inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Guddiga Doorashada, Muhsraxiinta iyo Marti sharaf kale oo lagu Casuumay.

- Advertisement -

Haatan waxaa socota Codadka ay dhiibayan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, isla markaana ay siinayan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa u tartamaya 4 Musharaxiinta kala ah Axmed Shire Maxamed, C/llaahi C/llaahi Samatar, C/raxmaan Aadan Sabriye iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ah Musharaxa haatan ugu cad cad doorashada, maadaama la sheegay inay wadato dowladda Federaalka.

Sidoo kale xilka Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa u sharaxan ilaa iyo 5 Musharax, kuwaasi oo kala ah Axmed Yuusug Warsame (Taajir), Cali Daahir Ciid, Saadaq C/llaahi Xaashi, C/qani Shiikh Cali Diini iyo Maxamed Xaashi Carabey.

- Advertisement -

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan Xarunta ay ka socoto Doorashada ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts