Doorashada kusri kamid ah kuraasta ka banaan Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay #176 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo doorashada ku tartameenlaba musharax ah oo isku soo taagtay tartankiisa.

Murashaxiinta kala ah Mukhtar Mohamed Mursal iyo Khadiijo Samow Cabdi ayaa ku tartamay doorashada, waxaana ku guuleystay kursiga #176 Mukhtaar Mohamed, kadib markii ay u tanaasushay Khadiijo Samow.

Mukhtaar Mohamed ayaa lagu doortay qaab gacan taag ah, isla markaana waxa uu helay 101 cod ee ergada madasha ku sugneeyd, isagoona sidaas uga mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kursiga Hop176 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay kana geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow, waxaana kusoo baxay oo loo doortay wiilkiisa Mukhtaar Mohamed.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa socday buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka, waxaana qabsoontay doorashada kuraasta kala ah, Hop147 oo uu banneeyay Agaasimaha NISA Mahad Salaad, Hop86 oo horay loogu hor istaagay Fahad Yaasiin & Kursiga HOP203 oo uu banneeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor