Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta Ka Dhaceysa Garoowe

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxaa Maanta la filayaa in ay ka dhacdo doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kursigaan ayaa waxaa baneeyey,isla markaana dhawaan iska casilay Ex-Xildhibaan Dhahar Cali Faarax.

Musharixiinta Maanta doorashada ka dhaceysa Puntland ku tartami doona ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ku sugan Magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) oo dhawaan gaartay Magaalada Garoowe ayaa sheegtay in doorashada kursi ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo deegaan doorashadiisu ay tahay dowlad Goboleedka Puntland la qaban doono.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ergadii dooran laheyd Kursiga banaan loo soo gudbiyey,sidoo kalena ay kursigaa isku-soo sharaxeen ilaa laba musharax.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor