Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Maamulka Hirshabeelle.
Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa maalintii shalay aheyd dhammeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya lix kursi oo Maanta doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Baladweyne.
Kuraasta la dooranayo ayaa waxaa tirsigoodu kala yihiin Hop#031 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Xilgaarsiinta Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid.
Kursiga Hop#022 ayaa waxaa dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cismaan Maxamed Cabdi Daalo, waxaana isku soo sharaxay dhowr Musharax oo dooneysa inay u tartaman kursigaas Golaha Shacabka.
Kursiga Hop#003 ayaa waxaa ku fadhiyey Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene, halka kursiga Hop#068 oo ay ku fadhiso Faadumo Faarax Ibraahim, iyadoona kursigaas loo diiwaan-geliyay Musharaxiin u tartamaya.
Sidoo kale kuraasta doorashadoodu Maanta dhaceysa ayaa waxaa ku jira kursiga Hop#032 oo ku fadhiyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Xilgaarsiinta Khaliif Cabdi Cumar iyo Hop#006 oo ku fadhiyey Maxamuud Cabdullaahi Axmed.
Kuraasta doorashadoodu la qabanayo Maanta oo Axad ayaa waxaa uu qorshahu ahaa in maalintii shalay aheyd la qabto, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaan sidaas lagu diiwaan-geliyey Musharaxiinta u tartamaya kuraastaan.