Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo arbaco ah ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Musharaxiin dhowr ah ayaa ku tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaasi oo maalintii shalay aheyd Xildhibaanada Hirshabeelle u jeediyay khudbado ay uga hadlayeen waxa ay qaban doonaan markii la doorto.
Xildhibaanada ayaa Baarlamanka ayaa la filayaa inay si rasmi ah u doortaan Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana Doorashada ay tahay mid adeg sida la sheegayo.
Qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee Doorashada ayaa haatan socota, isla marakaana waxaa Xarunta Baarlamaanka kusii qul-qulaya Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb galeysa Doorashada.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.
Sidoo kale xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiinta kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.
Ammaanka guud ee Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugiada amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda ee Haramcad iyo kuwa Maamulka, waxaana aad loo yareeyay dhaq-dhaqaaqa Magaalada, isla markaana waxaa la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Jowhar.