Dood ka dhalatay arrin ku saabsaneyd Madaxweyne Deni iyo baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Ajandayaal badan

Kalfadhiga 46-aad, kulankiisii 4-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad gobaleedka Puntland ayaa lagu meel-mariyay Ajandaha kalfadhiga 46-aad ee Golaha wakiilada si ay ugu sahlanadaan kulamada soo socda ka doodistooda.

Fadhiga waxa ka soo qeyb galay mudanayaal gaaraya 37-xubnood, waxaana shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, iyadoo ajandaha mudaneyaasha horyaalla uu ahaa ansixinta Ajandaha kalfadhiga 46-aad oo horey qodob-qodob looga dooday.

Dooddii shalay ee wax ku kordhinta iyo wax ka dhimista ee xildhibaanada kadib waxaa maanta cod loo qaaday ansixinta kalfadhiga oo cod gacan taag ah la geliyay.

Waxaa ogolaatay 35 mudane, mudane diidayna ma jirin, waxaana ka aamustay 2 xubnood, sidaa ayuuna ku ansaxay ajandaha kalfadhiga 46-aad, waxaana si rasmi ah loo guda galay qodobada uu ka kooban yahay maanta.

Dhinaca kalana xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa soo jeediyay in loo yeero madaxweynaha si wax looga weydiiyo xaaladda Puntland iyada oo arrinkaas ay kasoo hor jeesteen mudanayaal kale ugu dambeyntiina la isla gartay in ay madaxweynaha loo yeerin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media