Wargeyska The Sunday Times of London ayaa qoray inay Donad Trump iyo Valadamir Putin ku kulmi doonaan caasimadda dalka Iceland ee Reykjavik.
Kulankaasi ayaa la filayaa inuu qabsoomo maalmo kadib, markii Donald Trump jimcaha soo socdo loo caleemo-saaro Madaxweynenimadda Maraykanka.
Wargeyska oo soo xigtay ilo aan la carabaabin ayaa sheegay inay Dowladda Raashiya oggolaatay Kulanka Trump iyo Putin.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Iceland, Gudlaugur Thor Thordarson ayaa sheegay inaysan ka war haynin qorshe ay ku marti gelin doonaan Shir looga hadlayo hagaajinta xiriirka Maraykanka iyo Raashiya.
Sidoo kale, Gacan-yarayaasha Donald Trump ayaa beeniyey inuu jiro Kulan u qorsheysan inay yeeshaan Donald Trump iyo Madaxweynaha Raashiya.
Jesiiradda Iceland waxay ku taalla Waqooyiga Badweynta Atlantic.
©Radio Dalsan