Donald Trump oo la kulmi doono Ra’isul-wasaaraha Britain.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka, Sean Spicer ayaa sheegay inuu Madaxweyne Trump jimcaha soo socoto uu Ra’isul-wasaarada Britain, Theresa May kula kulmi doono magaalladda Washington.

Kulankaasi waxaa uu fursad u yahay Theresa May oo dadaal ugu jirta sidii loo dhisi lahaa Xiriirka Britain iyo Kooxda Trump ee Xilliga kala-guurka iyo in laga wada xaajoodo Xiriirka Khaaska ee Labada Waddan.

Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Britain kama hadlin hadalka uu Afhayeenka Aqalka Cad ku xusay inay Theresa May la kulmi doonto Donald Trump.

Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalka Mexico, Enrique Pena Nieto, iyadoo uu Donald Trump horey u sheegay inay Dowladda Mexico bixin doonto Kharajka Gidaarka laga dhisi doono xuduudka labada waddan.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay Kulan ku yeeshaan Washington bishan January 31-da.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor