Donald Trump iyo Hoggaamiyaasha NATO oo Kulan yeelan doona

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu oggolaaday inuu Madaxda dalalka Isbahaysiga NATO kulan la yeesho bisha May ee soo socota, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay Aqalka Cad.

Donald Trump waxa uu khadka Telefoonka kula xiriiray Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO, Jens Stoltenburg oo ay ka wada hadleen Arrimaha NATO iyo colaad ka socota Bariga dalka Ukraine.

Wada-sheekeysiga Labadaasi Hoggaamiye ayaa ku soo beegmay, iyadoo uu Donald Trump horey u sheegay inuu Dowladaha xubnaha ka ah NATO kordhiyaan kharajka ay ku bixiyaan Hawlaha  Isbahaysiga, si Maraykanka looga qaado culayska dhaqaale ee uu ku bixiyo Hawlaha NATO.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media