Diyaarado gargaar sida oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saacadaha soo socda la filayaa inay soo gaaran diyaarado sida gargar loogu talagalay dadkii uu sameeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in iyada oo ka jawaabeysa Codsi uga yimid dowladda Soomaaliya oo ku aadan gurmadka loo sameeynayo dadka Baladweyne uu ku sameeyay Fatahaada Wabiga ay diyaarado u soo diri doonto Muqdisho.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxweynaha Turkiga uu si toos ah ula soo xiriiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona u sheegay inay ka Jawaabayan dalabkii gurmadka uu ka codsaday dowlada Turkiga.

Dhinaca kale Labo diyaaradood oo ah ku qumaatiga u kaco ayaa Goordhow Garoonka Aadan Cadde ka duulay, iyagoona kusii jeeda Magaalada Baladweeyne iyo deegaanada ay fatahaada ka dhaceeyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa gurmadka sii xoojisay gurmadka loo sameeynayo dadka ku dhibaateysan Baladweyne, iyadoona lagu wado in Mas’uuliyiin ka tirsan  dowladda ay gaaran halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media