Warbaahinta dowladda Syria waxay saakayto sheegtay inay Israel duqeyn ka geysteen Buuraha Tal Al-Hara ee Gobalka Darac ee K/Galbeed dalkaasi.
Telefishinka Dowladda Syria ayaa baahiyey inay duqeyntaasi geysteen burbur qalab oo keliya.
Buurta Tal Al-hara ayaa ah Deegaan Istaraatiji ah oo ku foorarta Dhulka Buuraha Golan Haytis ee ay Israel qabsatay sannadkii 1967-dii.
Ciiddanka Dowladda Syria iyo kuwa ka socda Iiraan ayaa waxay Bar Ciiddan ku leeyihiin Buurta Tal Al-hara oo ay sannadkii hore kala wareegeen Maleeshiyadda ka dagaalanta gudaha Syria.
Dhinaca kale, Ciiddanka Iiraan ee ku sugan gudaha Syria waxay ku xooggan yihiin Koonfurta dalkaasi iyo meel ku dhow Buuraha Golan oo u dhow Xuduudka Isreal.
Bishii la soo dhaafay, Ciiddanka Syria waxay hawada kaga hor tageen tiro Gantaalo ah oo ay Isreal la soo beegsatay Buurta Tal Al-hara.