Diyaarado dagaal oo duqeyn Culus ka geystay Falastiin

Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla dhulka Falastiin kaddib markii dagaal yahannada Falastiiniyiinta ee ku sugan Magaalada Gaza ay gentaallo ku tureen Israa’iil.

Militeriga Israa’iil ayaa sheegay in ku dhawaad 10 goobood oo Xamaas leedahay la beegsaday subaxnimadii hore ee Arbacada maanta kaddib markii 15 gentaal ay ku soo dhaceen koofurta Israa’iil.

Tallaadadii, gentaal laga soo tuurey dhanka Gaza ayaa ku dhacay magaalo xeebeedka Isreal ee Ashdod, labo ruux ayaa ku dhaawacmay.

Falastiiniyiinta waxay baadi goobayaan sidii ay u heli lahaayeen dowlad madax bannaan oo ayaga leeyihiin hase yeeshee heshiiskan Mareykanku dabada ka riixayo ayaa loo arkaa in qadiyadda Falastiin uu caqabad ku yahay.

Illaa iya hadda ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymihii u dambeeyey, Isreal waxay sheegtay in gentaalada Xamaas soo tuurtay hawada lagu burburiyay ayna kaga hor tageen hannaanka difaaca gentaallada ee loo yaqaano Iron Dome.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media