Wararka aan la heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta ay ka degeen diyaarado sida Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.
Saddex diyaaradood oo siday Boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa ka degay Garoonka Jowhar, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.
Saraakiil Ciidan oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Ciidamada, iyagoona intaas kadib loo gudbiyay Saldhigyo loogu tala-galay inay degaan.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Haramcad ee gaaray Jowhar ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga Caasimadda Hirshabeelle oo lagu qabanayo Doorashada Maamulkaas, ayna socdaan Olole ballaaran.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Guddiga soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan Ciidankii Maanta gaaray Jowhar, hayeeshee waxaa halkaas siweyn looga dareemayaa Ololaha Doorashada, waxaana haatan socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee lagu soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Maamulka.