Sida lagu daabacay Wargeysk Diyaaradaha dagaalka Dalka Mareykanka ayaa waxa ay duqeyn ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Baay oo 160km dhanka Galbeed kaga began Muqdisho.
Warar laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Milteriga Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaas laga fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Baay lagu dilay rag ka tirsan Al-Shabaab.
In kastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee lagu dilay weerarkaas duqeynta ah hadana masuuliyadiisa waxaa sheegtay Mareykanka.
Duqeyntan ayuu Mareykanku sheegay in ay caawin ka heleen ciidamada sida gaarka ah u tababaarn ee Kumandoosta Soomaaliya taas oo fududeysay Suurtagalnimada duqeyntaas.
Tan iyo markii Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump  uu shaaciyay in Mareykanka uu kordhin doonto weerarada dhanka Cirka ah ee uu ka fulin doono Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in ay dhaceyn 15 weerar oo dhanka Cirka ah oo qaarkood dad Shacab ah ay ku waxyeeloobeen.