Telefishinka Al-Akhbaariyah waxa uu saakayto sheegay in Duqeyn lala beegsaday bar-tilmaameedyo ay Maleshiyadda Xuutiyiinta ku leeyihiin caasimadda dalkaasi ee Sanca.
Diyaaradaha Isbahaysiga ayaa la sheegay inay duqeyn la begsadeen Wershad lagu farsameeyo diyaaradaha Darooniska iyo bakhaar lagu kaydiyo Gantaalladda.
Kooxda Xuutiyiinta weli kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.