Lix Diyaaradaha Tu 22M3 ee wax ka duqeeya meelaha fogfog ayaa shalay duqeeyey Bartilmaameedyo ay Daacish ku leeyihiin duleedka magaalladda qadiimiga ee PALAMYARA Â iyo qeybo ka tirsan Gobalka Xomas oo ku yaalla Bartamaha dalkaasi.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Raashiya ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu burburiyey Xarumo Talis u ah Dacaish iyo Bakhaaro ay hubka iyo qalabka kale dhigtaan oo ku yaalla Degmooyinka Carak, Alsuqnah iyo Altowba.