Diyaarad Dagaal oo Duqeyn la beegsatay Magaalo ku taalla dalka Ruushka

Wasaaradda difaaca ee magaalada Moscow ayaa sheegtay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay si aan ku talagal ahayn u duqaysay magaalada Belgorod ee u dhow xadka Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in qaraxa uu sababay bohol aad u weyn oo qiyaastii 20 mitir.

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay, dhowr dhismena waa ay burbureen, ayuu yiri. Hal guri oo dabaq ah ayaa sidoo kale wax-yeello soo gaartay

Diyaarad tirsigeedu yahay Su-34 oo ah nooca dagaalka ayaa si lama filaan ah u sii daysay bamka, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgooska labo wado oo aan ka fogeyn bartamaha magaalada iyo dhanka dhismooyinka la dego.

Baaritaan ayaa socda oo ku aaddan duqeynta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor