Diyaarad Ciidamo sida oo ka degtay Magaalada Dhuusamareeb

Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa saakay waaberigii hore waxaa ka degay laba diyaaradood oo siday Ciidan badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidamada laga dejiyay Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegayaa inay ka qeyb qaadan sugida amniga Magaaladaas oo dhawaan uu ka furmi doono Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Warar la helayo ayaa tilmaamaya in Ciidamada la geeyay Xarunta Shiirkole ee la dejiyay Ergada ka qeyb galeysa Shirka ka furmaya Dhuusamareeb,iyadoona Xaruntaas dhawaan dowladda ay la wareegtay.

Dhawaan ayay aheyd markii hogaanka Ahlusunna Waljameeca ay ka horyimideen in Ciidamo ka socda dowladda Soomaaliya la geeyo deegaanada Galmudug,iyadoo ay xusid mudan tahay in diyaarado siday Ciidamo laga soo celiyay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media