Diplomaasiyiin Maraykan oo lagu amray inay 48-saacadood kaga baxaan dalka Venezuela

Madaxweynaha dalka Venezuela, Nikolas Madura waxa uu amar ku bixiyey in la eryo 2 ka tirsan Diplomaasiyiinta Maraykanka ku sugan caasimadda dalkaasi ee Karakas.

Labada Diplomaasi ee laga soo cayrinayo dalkaasi ayaa lagu kala sheegay Tod Robinson oo ah Hawl-fuliyaha Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Caracas  iyo Ku-xigeenkiisa Brayn Naranjo.

Maduro waxa uu ku tilmaamay Brayn Naranjo ku tilmaamay inuu yahay Madaxa Hay’adda Sirdoonka CIA-da Maraykanka u jooga dalka Venezuela.

Brayn Naranjo weli kama hadlin eedeyntaas,

Madaxweynaha dib loo soo doortay ee dalka Venezuela waxa uu Diplomaasiyiintaasi ku amray inay muddo 48 saacadood kaga baxaan dalkiisa, waxayna Tallaabadan u muuqata mid uu kaga aar-goosanayo Cunaqabataynta ay Dowladda Maraykanka dhawaan ku soo rogtay dalkiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in la so obandhigi doono caddaymo muujinaya inay Labada Diplomaasi ee Maraykanka ku guda-jireen hawlo ka dhan ah Dhaqaalaha iyo Siyaaasadda dalkiisa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media