Diplomaasiyiin Maraykan oo ku xanuunsan Shiinaha.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 2 Diplomaasi xanuun ka qaadeen Jabaq Xooggan oo ay Telefoonka kala kulmeen.

Wargeyska The New York Times ayaa qoray in Koox Caafimaad loo duuliyey Qunsulliyadda Maraykanka ku leeyihiin magaalladda GUWANGZU ee Koonfurta Shiinaha, si ay u baaraan Caafimaadka Diplomaasiyiintaasi iyo Qoysaskooda.

Mar si ihorreysay 24 Shaqaale Maraykan iyo xubno ka tirsan Qoysaskooda  oo ka shaqeynayey dalka Kuuba iyo Shiinaha ayaa dhibaato kala kulmay Jabaqda xooggaan ee Telefoonka, wuxuuna dhaawac soo gaaray Maskaxda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media