Diplomaasi Maraykan oo dad rayid bistoolad ku taagay oo lagu xiray Nairobi.

Saraakiisha Boliska Kenya iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay in la xiray Diplomaasigaasi, kadib, markii uu shil gaari galay, isla markaana  cabsi geliyey Dareewalka Gaariga kale, si uu uga baxsado goobta uu ka dhacay Shilka.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inuu Diplomasiga watay Gaari nooca (four-wheel drive car) oo Taarikadda Safaaradda Maraykanka lahaa.

Dhinca kale, Taliyaha Boliska Saldhigga Dhexe ee Nairobi, Robinson Thuku ayaa sheegay in Diplomaasigaasi ku lug lahaa Shil gaari, isla mrkaana ay Boliska qabteen, kana qdeen Bistooladii la sheegay inuu dad ku handaday, taasi oo nooceedu ahaa Ceska pistol.

Sawir-qaade ka tirsan Wakalldda Warrka AP oo goobta joogay ayaa sehegay inay Boliska 3 xabbad kor u rideen, markii ay joojinayeen gaarigii uu Diplomaasiga watay.

Diplomaasiga waxaa lagu xiray Saldhigga Dhexe ee Nairobi, waxaan ku socota baaritaan la xiriira Shilkii gaari ee uu ku lug lahaa Diplomaasiga.

Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi wey xaqiijiyeen in la xiray Diplomaasi ka tirsan Safaaradooda, balse ma aysan sheegin magaciisa.

 

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media