Taliyaha Boliska Malaysia, Khaalid bin Bakar oo Suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay in Sarkaal sare oo ka tirsan Safaaradaasi lagu tuhunsan yahay dilka Kim Jong Nam oo ay isku aabe yihiin Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Il.
Waxa uu xusay in Eedeysanaha oo xilka Xoghayaha Labaad ka haya Safaaradaasi loo yeeray, si wax looga weydiiyo dilkaasi.
Eedeysane kale ayaa isagana shaqaale ka ah Shirkadda Diyaaradaha Waqooyiga Kuurya ee Air Koryo.
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Malaysia, Khaalid bin Bakar waxa uu tilmamay in 4 Eedeysane ka baxsadeen dalka Malaysia, isl maalintii uu dilkaasi dhacay, isla markaana ay haatan ku sugan yihiin caasimadda dalka Waqooyiga Kuurya ee Pyongyang.
©Radio Dalsan