Diplomaasi Caalim:- “ Dhallinyarada waa in xilal laga siiyo Dawlada cusub si looga badbaadiyo Tahriibka ay ku le’anayaan”.

Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo ah Diplomaasi ka faalooda arimaha Soomaaliya oo la hadlay Barnaamijka Warega Wararka ee ka baxa Idaacada Dalsan ayaa ka hadlay sababaha keenay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay sahashadaan Tahriibka

Mashaqo Geeriyaad ayey Badduhu ku noqdeen Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkooda hooyo uga cararayo shaqo la’aanta, colaadaha iyo faqriga saamaynta xooggan ku yeeshay 98% Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo inta badan Nolosha sare ku nool yihiin dadka Dabaqada Sare ee u shaqeeya Dowladda iyo Hay’addaha Caalamiga.

Kala-sarraynta dhinaca nolosha, Nabadgeliyo-xumidda iyo Caddaalad-darradda dhinaca Shaqa-helista ayaana la rumeysan yahay inay Dhallinyaradda kaga didayaan dalka hooyo, iyagoo maciin bida inay Tahriibaan, si ay uga baxaan Nolosha Adag iyo Shiidka Shaqo la’aanta.

Diplomaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo arimaha Soomaliya ka faalooda ayaa ku baaqay in Dawlada Cusub ee dhalneysa in xilal laga siiyo dhalanyarada si looga badbaadiyo Tahriibka ay ku la,anayaan

Diplomaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo isagoo ku sugan caasimadda dalka Finland ee Helisink u waramay Wariye Cabdi waxiid Cabdullahi Daahir oo ka tirsan Radio Dalsan ayaa sheegay in loo baahan yahay Badbaado Qaran si Dhallinyaradda looga hor joogsado Tahriibka iyo Baddaha ay ku le’anayaan.

©Radio Dalsan

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor